Kenya doorasho ayay ku jirtaa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Maarso, 2013, 04:33 GMT 07:33 SGA

Dadka Kenya waxa ay dooranayaan lix xubnood Madaxweyne ilaa wakiil hoose oo deeggaanka ah

Codadka ayaa la tirinayaa dalka Kenya, iyadoo dadku ay ka qaybgaleen doorashooyinka guud ee madaxtinimada dalka maanta oo Isniin ah 4-ta March.

Balse kumanaan dad ah ayaa wali codkooda dhiibanaya iyadoo saacadaha codbixinta la kordhiyay goobaha qaar si looga ogolaado in ay codeeyaan dad wali ku jira safaf dhaadheer oo ka jira goobaha codbixinta qaar.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in dib u dhaca uu sababay nidaamka cusub ee loogu talogalay in looga hortago wax isdaba marinta.

Kormeerayaasha ayaa rajaynaya in laga hortagi doono rabashadihii baahsanaa ee isirka ku salaysnaa ee ka dambeeyay doorashadii hore ee sanadkii 2007.

Saraakiisha ayaa ilaa hadda ku soo waramaya in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen rabshado dhacy.

Tartanka madaxtinimada, ayaa la filayaa natiijo aad la isugu dhow yahay oo ay isku soo dhowaadaan ra'iisul wasaaraha hadda Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha hadda talada haya Mwai Kibaki tartanka kuma jiro kadib markii uu dhameystay labada xilli ee dastuurka dalku qorayo.

Waxaa laga yaabaa inay tahay doorashadii guud ee ugu muhiimsaneyd dalka Kenya tan iyo markii uu xornimada qaatay konton Sano ka hor sanadkii 1963.

Dadka ka faalooda siyaasadda, ayaa si dhaw ula socon doona codbixintan, ma ahan oo keliya Kenya gudaheeda laakiin caalamka oo dhan.

Ahmiyadda doorashada

Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo doorashadii 2007 ee muranku ka dhashay, taasi oo horseedday rabshado ka dhacay dalka oo 1300 oo qof ay ku dhinteen in ka badan nus milyan qofna ay ku barakaceen.

Sidoo kale waa doorashadii ugu horreysay ee la qabto tan iyo markii dastuurka cusub dalku ka hanaqaaday, kaasi oo xorriyad iyo xuquuq dheeraad ah siinaya dadka Kenya.

Waxaa madaxweynenimada u tartamaya sideed musharrax laakiin waxa diiraddu saaran tahay labada ugu cadcad oo kala ah Raiisul Wasaaraha, Raila Odinga iyo Ku xigeenkiisa Uhuru Kenyatta.

Arrimaha ugu waaweyn

Rabshadihii ka dhacay Kenya waxaa ku barakacay dad ka badan nus milyan

Mid ka mid ah arrimaha ugu waaweynaa intii sanadkan ay socdeen ololaha doorashada waxa ay ahayd arrinta lahaanshaha dhulka. Waxaana ay ahayd mid ay dhibaato ka taagan tahay tan iyo xilligii isticmaarka. Bulshooyinka Kenya qaarkood ayaa ku doodaya in aanay dhul heli karin. Dhulku waxa uu gacanta ugu jiraa shaqsiyaad awood badan, oo inta badan si sharci darro ah ku helay amaba dowladda.

Waxaa kale oo jira arrinta dib u heshiisiinta qowmiyadaha colaaddu ku dhexmartay rabshadihii dhacay 2008 doorashadii kadib, iyo dib u dejinta dadkii barakacay. Ilaa maanta in ku dhaw boqol kun oo Kenyan ah ayay tahay in dib loo dejiyo, sida ay dowladdu sheegtay.

Dacwadda maxkamadda ICC

Mid ka mid ah ragga u tartamaya madaxtinimada Uhuru Kenyatta iyo saaxiibkii William Ruto waxaa dacwad uga socotaa maxkamadda caalamiga ee Hague, dambiyo ka dhan ah bini'aadanimada oo dhacay xilligii rabshadihii ka dhashay doorashadii lagu murmay. Labada ninba si xooggan ayay u beeniyeen eedeymaha.

Iyada oo ay jireen tallaabooyin wax looga qabanayo musuqmaasuqa, haddana weli Kenya si xoog leh ayuu uga jiraa gaar ahaan shirkadaha dowladdu leedahay iyo kuwo kooban oo hey'adaha dadka ah sida booliiska.

Doorashadii 2007 waxaa jiray saddex xubnood oo la dooranayay oo keliya, kuwaasi oo kala ahaa Madaxweyne, Xubin Baarlamaan iyo Golaha Deegaanka. Hadda qofka codka dhiibanaya ee Kenyan ah waxa uu dooranayaa Lix qof oo kala ah Madaxweyne, Sanetor, Guddoomiye gobolka, Xubin Baarlamaan, wakiil deegaan iyo wakiil dumar ah.

Maxaa laga doonayaa Musharraxa?

Doorashada Madaxweynaha waxa u taagan sideed musharrax

Si musharraxa Madaxweynuhu u guuleeysto waa inuu helaa 50 boqolkiiba iyo hal dheeri codadka guud ee la tiriyay iyo boqolkiiba 25 codadka 24 ka mid ah 47 deegaan.

Tani waxa ay tahay mid lagu xaqiijinayo in qofka guuleysta uu yahay mid taageero ka heysta dalka oo dhan iyo dhamaan qowiyadaha kala duwan.

Haddii taasi ay dhici weyso waxaa la gelayaa wareeg labaad, oo doorasho ah oo la qabanayo 30 maalmood gudahood, oo ka bilaabaneysa marka natiijada lagu dhawaaqo.

Waxaa dadku ay dooranayaan labada musharrax ee ugu codka badnaa wareegga koowaad.

Mid ka mid ah arrimaha adag ee horyaal dowladda cusub waxa ay tahay in ay si buuxda u dhaqangeliso dastuurka cusub iyo inay la tacaasho niyad wanaagga shacabka Kenya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.