Hugo Chavez ayaa geeriyooday

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Maarso, 2013, 22:51 GMT 01:51 SGA

Hugo Chavez waxa uu ahaa 58 jir waxaana dalka uu ka talinayay 14 sano

Waxaa lagu dhawaaqay inuu dhintay Madaxweynihii dalka Venezuela, Hugo Chavez.

Hadalkna waxaa si rasmi uu sii daayay Madaxweyne ku xigeenka Nicolas Maduro, oo telefishinka ka hadlay.

Mr Chavez -- oo ahaa 58 jir waxa uu talada dalka hayay 14 sano.

Madaxweynaha ayaa waxa hayay xanuunka kansarka oo laga daweynayay.

Dowladda Venezuela ayaa xalay uun sheegtay in dhibaatada dhinaca neefsashada ka haysay Madaxweynahooda Xanuunsan ee Hugo Chavez ay ka sii dartay.

Waxa uu ahaa warkii ugu horreeyay ee rasmi ah uu ku saabsan xaaladdiisa caafimaad Madaxweyne Chavez ee intii muddo ah la maqlo, oo aan ka ahayn in daaweyn ay ku socotay isla markaana aanu hadli karin.

Dad mudaharaadayay ayaa isugu soo baxay magaalada Caracas toddobaadka dhamaadkiisi kuwaasi oo dalbanayay warar dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdiisa.

Hugo Chavez laguma arkin meel fagaare ah ilaa markii qalliinka looga sameeyay cudurka kansarka laba bilood ka hor.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.