QM oo cunaqabateyntii hubka qaadday

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Maarso, 2013, 01:02 GMT 04:02 SGA

Hubka Soomaaliya waxaa laga saaray cunaqabateyn sanadkii 1991

Qaramada Midoobay ayaa si ku meel gaar ah cunaqabateynta hubka fudud uga qaadday dalka Soomaaliya.

Cunaqabateynta Soomaaliya waxa la saaray sanadkii 1992, markaasi oo hoggaamiyayaashii dagaalka ay ku ku dagaallamayeen gacan ku heynta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa si ay ula dagaallanto kooxaha Islaamiyiinta.

Dalal dhawr ah oo kuira Golaha Ammaanka ee Qramada Mdoobay, oo ay ka mid yihiin Britain iyo France ayaa shaki ka qabay arrinta qaadista cunaqabateynta.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in ay u muuqato in meel dhexe la isugu yimid, iayada oo la qaaday cunaqabateynta hubka fudud muddo sanad ah.

Dhinaca kale qoraalkaa ay soo saartay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Susan Rice ayaa lagu sheegay in maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu bixiyay calaamad cad oo ah taageerada loo hayo dowladda cusub ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dooneysaa awood ay kula dagaallanto kooxda al-Shabaab

Qaraarka Golaha Ammaanka oo tirsigiisu yahay 2093 waxa ay tiri waxa uu ka jawaabayaa baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee hal mar uu albaabka uu ku garaacay, kaasi oo mideynaya hawsha horumarinta Qaramada Midoobay iyo midd bini'aadanimada ee uu jiheynayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Waxaa sidoo kale ay sheegtay in ay raacsan tahay arrintan taageerada Qaramada Midoobay ee ah inay caawiso dowladda Soomaaliya si ay u gudbiso addeegyada ugu gudbiso dadkeeda.

Waxaa muhiim ah ayaa lagu yiri qoraalka Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo la qoonsanayo horumarka dowladda Soomaaliya, in Golaha Ammaanka uu isku raacay inuu joojiyo cunaqabateynta hubka ee dowllada Soomaaliya iyadoo markaasi la xaqiijinayo horumar masuuliyad ku jirto oo dhinaca ammaanka, isla markaana lagu dhaafay xannibaada alShabaab iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah sida hadalka lagu yiri iyop kuwa kale ee xagjirka ah in lagu sii hayo.

Waxaan sii wadi doonaan ayaa qoraalka Susan Rice lagu sheegay taageerada aan siineyno dowladda Soomaaliya iyagoo isku dayaya inay rogaan bog labaatan sano oo dagaal sokeeye ka socday inay sii hayaan horumarka dhawaan la sameeyay, isla markaana si dhaw ula shaqeeyaan dhinacyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo horumariyo nolosha dadka Soomaaliyeed oo dhan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.