Doorashada Baadariga Roman Catholic

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Maarso, 2013, 09:59 GMT 12:59 SGA

Baadariyaasha kaniisadda Catholic-ga ayaa leh kulan gaar ah oo ka dhacay kaniisadda Peter Basilica ee magaalada Rome, iyagoo bilaabaya in ay doortaan doorashada baadari wayne cusub.

Dad ayaa isugu tagay bannaanka si ay uga daawadaan munaasabadda shaashado waawayn.

Maanta galinka dambe, ayaa dhamaan baadariyaasha da'doodu ka yar tahay sideetan sano ay ku xeroon doonaan kaniisadda Sistine oo codbixintu ay ka bilaaban doonto.

Boqol iyo shan iyo toban baadari ayaa gaar loo xeraynayaa iyagoo aan cid kale arki doonin, waxaana la marinayaa dhaar, iyadoo ay dhowr maalmood qaadan karto in baadari la doorto.

Baadariyaasha ayaa codkooda dhiibac doonaa maalintii afar jeer ilaa baadari cusub ay isku afgartaan.

Weriyaha BBC uga soo warama Rome ayaa sheegay in uusan jirin baadari la sii og yahay in la dooran doonto si uu u badalo Baadariga Benedic l16, oo ka degan hogaaminta kaniisadda kadib sideed sano oo uu xukunka hayay, isagoo noqday baadarigii ugu horeeyay in xilka ka dega muddo lix boqol oo sano ah.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.