Kaniisadda Vatican oo dooratay Pope

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Maarso, 2013, 21:28 GMT 00:28 SGA

Pope Francis waxa uu ka soo jeedaa Latina Amerika

Kaniisadda Vatican ayaa dooratay Baaderi weynaha cusub ee kaniisadda madhabta Catholic. Baaderiga cusub waa Jorge Mario Bergoglio oo ah 76 jir u dhashay dalka Argentina, waxaana uu uu qaadan doonaa magac Pope Francis koowaad.

Waa baaderigii ugu horreeyay ee ka soo jeeda meel ka baxsan qaaradda Yurub muddo dheer.

Pope Francis ayaa soo istaagay daaqadda dhismaha St Peter's Basilica, isaga oo la hadlay tobanaan kun oo dad faraxsan ah oo joogay fagaaraha ka hooseeya iyo jidadka u dhaw.

Isaga oo xiran dhar cad, ayaa Pope Francis waxa uu u mahadceliyay dadka halkaasi isugu soo baxay isaga oo weydiistay inay u duceeyaan isaga iyo Pope-kii ka horreeyay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.