Pope Francis oo la soo dhaweeyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Maarso, 2013, 18:28 GMT 21:28 SGA

Pope Francis waxa uu ka soo jeedaa Latina Amerika

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xiriirka u dhexeeya Islaamka iyo Kirishtaankal, kadib doorashada Pope Francis. Madaxa Ururka (Ekmeleddin Ihsanoglu) ayaa ku sheegay warqad hambalyo ah inay xiriir wanaagsan ka filayaan Baaderiga cusub, marka loo eego kii ka horreeyay.

Mar sii horreysay Jaamacadda dalka Masar ee Al Azhar ayaa iyana sheegtay inay dooneyso inay aragto xiriir wanaagsan oo dhexmara labada diimood.

Afhayeenka Jaamacadda Al Azhar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan Vatican, kaasi oo xiriirka ay u jareen 2011, kadib markii ay ku eedeeyeen in Pope Benedict uu si khalad ah ula dhaqmayay Islaamka.

Doorashada Pope Francis ayaa laga soo dhaweeyay meelo badan o caalamka ah, sida Madaxweynaha Mareykanka, Obama iyo Raiisul Wasaaraha Britian David Cameron.

Baaderiga cusub oo 76 jir ah wuxuu u khudbeeyay tobanaan kun oo qof

Waxaa kale oo laga soo dhaweeyay Qaramada Midoobay, Qaaradaha Afrika iyo Latin America.

Kaniisadda Vatican ayaa shalay dooratay Baaderi weynaha cusub ee kaniisadda madhabta Catholic. Baaderiga cusub waxaa la oran jiray Jorge Mario Bergoglio, waxaana uu u dhashay dalka Argentina, waa 76 jir, waxaase qaatay magac Pope Francis koowaad.

Waa baaderigii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Latin Amerika.

Pope Francis ayaa soo istaagay daaqadda dhismaha St Peter's Basilica, isaga oo la hadlay tobanaan kun oo dad faraxsan ah oo joogay fagaaraha ka hooseeya iyo jidadka u dhaw.

Isaga oo xiran dhar cad, ayaa Pope Francis waxa uu u mahadceliyay dadka halkaasi isugu soo baxay isaga oo weydiistay inay u duceeyaan isaga iyo Pope-kii ka horreeyay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.