Ciidamada NATO ee Afghanistan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Maarso, 2013, 18:19 GMT 21:19 SGA

Warbixin gudaheeda ay ka soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Britain ayaa lagu sheegay in gaashaanbuurta NATO aysan ku guulaysan karin ololaha ay kula jirto kacdoonka dalka Afghanistan qaab military oo kaliya, iyadoo loo marayo.

Warbixintan ayaa sheegtay in ay jiraan waxyaabo si qayrul caadi ah ay isaga mid yihiin howlgalka NATO iyo duulaankii guuldaraysta ee midowgii Sovieti uu ku qaaday Afghanistan sanadkii 1979.

Qorayaasha warbixinta ayaa sheegay in labadaba ay ka midaysan yihiin isku day in Mabda' lagu soo rogo, oo ay markii dambe qasab noqotay in laga laabto markii ay cadaatay in weerarku uu yahay mid aan lagu guulaysan karin.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in cilmibaarista loogu talogalay in lagu dhaliyo dood gudaha ah, isla markaana su'aal looga keeno fakarta sida military-gu u fakaraan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.