Natiijooyinka horyaalka Ingriiska

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Maarso, 2013, 18:00 GMT 21:00 SGA
Ciyaartooyda Manchester City

Ciyaartooyda Manchester City

Waxaa meel xiisa badan maraya tartanka horyaalka kubbadda cagta ee dalka Ingiriiska iyadoo Manchester United u muuqata inay sanadkan goor hore ku guulaysan doonto koobka inta aan la gaarin dhammaadka ciyaaraha.

Hase ahaatee waxaa galabta guuldarro ba'an la kulantay kooxda Manchester City oo kaalinta 2aad ku jirta isla markaana doonaysay inay soo qabato Manchester United oo 12 dhibcood ka horreysa.

Manchester City waxaa 2-0 ku dhufatay kooxda Everton oo weliba hal ciyaartoy laga saaray ciyaarta qaybteedii dambe.

Waxaa kaloo galabta guuldarro xun la kulantay kooxda Liverpool oo 3 iyo 1 ay uga adkaatay kooxda Southampton. Kooxaha guuldarrada ba'an la kulmay waxaa kaloo ka mid ah QPR oo 3-2 ay ku martay kooxda Aston Villa. Waxaana QPR ku sii kordhay cabsida ay ka qabto inay sanadkan hoos u degto.
Natiijooyinka kulammadii kale ee Sabtida dhacay waxaa ka mid ah:

Stoke 0 - 0 West Brom
Swansea 0 - 2 Arsenal

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.