Dadka Yemen oo dib loo heshiisiinayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Maarso, 2013, 04:42 GMT 07:42 SGA

Yemen waxa uu ka mid yahay dalalka uu saameeyay kacdoonka Carabta

Wada hadalo dib u heshiisiin oo ay wado Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in maanta ay ka bilowdaan dalka Yemen oo ujeedadu ay tahay in lagu sameeyo dastuur cusub oo qabyo ah iyo in la diyaariyo doorashooyin guud oo ka dhaca dalka Yemen sanadka soo socda.

In ka badan 500 wakiilo matalaya kooxaha kala duwan ee siyaasadda ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan wada hadalada, oo la filayo inay socdaan muddo lix bilood ah.

Si kastaba ha ahaatee kooxaha xag jirka ah ee u ololeeyaha madax banaanida Koonfurta Yemen ayaa qaadacaya wada hadalada.

Waxaana ay ka bilaabeen banaanbaxto magaalada dekedaa ah ee Cadan.

Dalka Yemen waa dalka keliya ee kacdoonadii carabta ka dhacay lagu heshiiyay meel dhexe.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.