Xiisado Ka Taagan Xuddur

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Maarso, 2013, 15:28 GMT 18:28 SGA
Magaalada Xuddur

Magaalada Xuddur

Boqollaal qoys ayaa ka qaxay magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool kaddib markii ay halkaasi ka baxeen ciidammo Itoobiyaan ah oo muddo dheer gacanta ku hayay xukunka magaalada iyo ciidammo taageersanaa dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxa isna wararku ay sheegayaan in maamulkii halkaasi ka jirey ay iyaguna magaalada ka baxeen ka dib markii ciidamadu ka tegeen, ilaa haddana lama garanayo sababta. Wararku waxay kale oo xaqiijinayaan inay magaalada soo galeen ciidan ka tirsan xarakada al Shabaab oo iyagu haatan la wareegay xukunka Xuddur. Hasse ahaatee lama soo sheegin wax dagaallo ah oo ka dhacay magaalada dhexdeeda iyo wax dhimasho amma dhaawac ah.

Lama garanayo sababta ciidanka Itoobiyaanku halkaas uga baxeen hase ahaatee dadka arrimaha Soomaaliya u kuur gala waxay leeyihiin waxaa dhici karta inuu jiro khilaaf u dhexeeya Itoobiya iyo qaybaha Soomaalida qaarkood.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.