Dad badan oo ku dhintay qarax Muqdisho

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Maarso, 2013, 11:02 GMT 14:02 SGA
Somalia blast

Qarax Muqdisho ka dhacay

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay weerar qarax ka dhacay magaalada Muqdisho. Tiro kale oo dad ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ka dhacay agagaaraha tiyaatarka qaranka oo aan sidaas uga fogeyn xarunta madaxtooyada.

Weerarkan oo loo adeegsaday baabuur waxaa lagu tilmaamay inuu ka mid yahay kuwii ugu cuslaa ee Muqdisho ka dhaca tan markii la doortay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii September ee sanadkii hore.

Dad goobjoog ahaa waxay sheegeen inay arkeen gaari bas ah oo rakaab siday oo gubanaya kaddib markii lagu dhuftay baabuurka qaraxa loo adeegsaday.

Waxaa kaloo la sheegay in dad badani ku dhaawacmay gudaha maqaayad wax laga cuno oo ku taal agagaaraha meesha weerarku ka dhacay.

Weli cid sheegatay ma jirto inay weerarkan qaadday waxaase farta lagu fiiqayaan Xarakada al Shabaab ee ka horjeedda dowladda Soomaaliya iyo ciidammada Midowga Afrika ee taageeraya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.