Obama oo tagay Israel

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Maarso, 2013, 19:09 GMT 22:09 SGA

Madaxwayne Obama, ayaa bilaabay booqasho sadex maalmood ah oo uu ku marayo Israel, isagoo ballanqaaday taageero aan ka leexleexad lahayn ee dhinaca amniga dal Yuhuuddu leedahay.

Tallaabooyin taxane ah oo lagu xoojinayo fariintan, ayaa Mr Obama wuxuu booqday saldhig difaaca cirka ah oo uu Maraykanku maalgaliyay. Waxaa uu ka hortagaa gantaalada Gaza looga soo rido magaalooyinka Israel.

Madaxwayne Obama ayaa kadib la kulmay madaxwaynaha Israel Shimon Peterz ka hor intii uusan galin wadahadal soconaya muddo afar saacadood ah oo uu la qaadanayo ra'iisul wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu.

Waxaa loo badinayaa in ay diiradda saari doonaan barnaamijka nuclear ee Iran, dagaalka sokeeye ee Syria iyo qorshaha nabadda Israel iyo Falastiiniyiinta.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.