Burma: Ciidamo ilaalinaya Meikhtila

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Maarso, 2013, 13:21 GMT 16:21 SGA
Ilaa shan masaajid ayaa la gubay

Ilaa shan masaajid, dukaamo iyo guryo ayaa laga gubay muslimiinta.

Ciidamada Burma ayaa ilaalinaya wadooyinka Meiktila, si ay u soo celiyaan ammaanka kadib markii labaatan qof ay ku dhinteen dagaal u dhaxeeyay dadka muslimiinta iyo dadka diinta Budiska haysta.

Ciidamada ayaa meesha la geeyay goobta kadib markii ay dowladda ku dhawaaqday xaalada degdeg ah shalay dagaal socday sadex maalin awgeed.

Ugu yaraan shan masaajid, guryo iyo dukaamo oo ay muslimiinta leeyihiin ayay gubayn dadka budistaha ah.

Muslimiinta ayaa ah boqolkiiba afar dadka lixdanka milyan ee reer Burma.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.