Mucaaradka oo u dhow Bangui

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Maarso, 2013, 20:56 GMT 23:56 SGA
Madaxweynaha Jamhuuriyada Afrikada Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyada Afrikada Dhexe Francois Bozize.

Mucaaradka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe, ayaa lagu soo waramayaa inay kula dagaalamayaan ciidamada dowladda banaanka magaalo madaxda Bangui, maalmo kadib markii ay bilaabeen inay la dagaalamaan madaxweyne Francois Bozize.

Afhayeenka mucaaradka Seleka ayaa sheegay inay muucaardka ay u socdaan guriga madaxtooyada.

Korontada ayaa la gooyay ka dib markii mucaaradka ay la wareegeen magaalada Boali.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo jooga magaalo madaxda, ayaa sheegay in dadka uu ku dhacay argagax, laakiin ma sheegin in mucaaradka uu magaalada soo galay ilaa hadda.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.