Musharaf oo Pakistan ku soo noqday

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Maarso, 2013, 13:42 GMT 16:42 SGA
Taageerayaasha Musharraf

Taageerayaasha Musharraf oo soo dhaweeyay.

Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf, ayaa ku soo noqday Pakistan kadib markii uu afar sanno waddanka ka maqnaa. Diyaaradiisa ayaa ku soo degtay Karachi halkaasoo boqolaal qof ay ku soo dhaweeyeen.

General Musharraf, ayaa qorshaynaya inuu xisbigiisa hogaamiyo doorashada dhacaysa bisha May.

Wuxuu BBC u sheegay inuu qiirooday markuu Pakistaan ku soo noqday, laakiin uu og yahay qatarta ammaankiisa.

Talenbaan ayaa u hanjabay inay dilayaan, waxaana la joojiyay in isku soo bax la sameeyo.

Musharraf ayaan haysan taageerayaal daacad u ah, lamana hubo in milatariga uu rabo inuu siyaasada ku soo noqdo.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.