HRW: Waa la kufsadaa barakacayaasha

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Maarso, 2013, 02:04 GMT 05:04 SGA

Hay'adda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch, ayaa sheegtay in dadka barakacayaasha ah ee ku nool dalka Soomaaliya ay lagula kaco gafaf la xiriira kufsi iyo qaabab kale oo xadgudubyo ah oo ay gaystaan kooxo hubaysan oo ay ku jiraan ciidamada dowladda.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in dumarka ka carara gaajada iyo khilaafaadka ee ku nool xeryaha caasimadda Muqdisho ku yaalla, ay sharaxaad ka bixiyeen kufsi wadajireed ay gasteen rag xiran labiska ciidamada iyo xubno ka tirsan maleeshiyooyinka.

Kooxda ayaa sheegtay in maamulayaasha xeryaha, oo inta badan xiriir la leh ragga hubaysan ay weecsadaan cuntada iyo gargaarka kale. Maamulka xeryaha ayaa noqday mid lacag badan lagu lunsado, ayay sheegtay warbixintan, oo tilmaantay in maamulayaasha ay ka hor istaagaan dadka ku jira xeryaha in ay ka baxaan halkaas.

Human Rights Watch waxay sheegtay in inkastoo dowladda cusub ee Soomaaliya tan iyo markii ay xukunka la wareegtay ay soo saartay warar aad u wanaagsan balse ay aad u yar tahay isbadalka dhinaca dhulka ka dhacay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.