Taliban oo xafiis loo furi doono

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 Maarso, 2013, 22:16 GMT 01:16 SGA
Ciidamada Afganistan

Ciidamada Afganistan

Madaxweynaha Afganistan Hamid Karzai, ayaa booqasho ku tagaya dalka Qadar si loo furo xafiis matala taliban.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay rajaynayaan in xafiiska uu caawin doono wadahadalka Taliban iyo dowladda Afganistan.

Taliban ayaa mar walba diidaysay inay la hadasho dowladda xiriirka Maraykanka ay la leedahay awgeed.

Dad ku dhow madaxweynaha ayaa BBC u sheegay, in madaxweyne Karzai uu doonayo in loo balanqaado in xafiiska aan loo isticmaalayn in Taliban dhaqaale lagu siiyo.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.