Uhuru Kenyatta ayaa ah Madaxweyne

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Maarso, 2013, 10:32 GMT 13:32 SGA
Uhuru Kenyatta

Uhuru Kenyatta ayaa si aad isugu dhow ugu guulaystay doorashada Kenya.

Maxkamada sare ee Kenya, ayaa go'aan ku gaartay in guusha doorashada madaxwynenimada Uhuru Kenyatta ay sax tahay oo aan doorasho kale lagu celinayn.

Raila Odinga oo laga guulaystay doorashada ayaa racfaan ka qaatay natiijada; wuxuu sheegay in doorashada ay jireen dhibaatooyin dhinaca farsamada iyo musuqmaasuq.

Maxkamada sare ayaa dacwada eegaysay toddobaadkii hore.

In ka badan kun qof ayaa ku dhimatay shan sano ka hor Kenya, kadib markii lagu murmay natiijada doorashada.

Madaxweynaha xilka ka degaya, Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay labada dhinac inay aqbalaan go'aanka maxkamada.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.