Ammaanka Kenya oo la adkeeyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 Maarso, 2013, 09:54 GMT 12:54 SGA
Maxkamada sare ee Kenya

Maxkamada sare ee Kenya ayaa go'aan ku gaartay in Uhuru Kenyatta uu yahay madaxweynaha ku guulaystay doorashada.

Boliiska Kenya ayaa adkeeyay ammaanka, kadib markii maxkamada sare ay go'aan ku gaartay in Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada madaxweynenimada.

Rabshado dhacay markii ay maxkamada gaartay go'aanka ayaa waxaa ku dhintay laba qof, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen magaalada Kisumu oo ah meel uu taageero badan ku leeyahay Raila Odinga oo laga guulaystay doorashada.

Boliiska ayaa sheegay in xaalada Kisumu la xakameeyay. Mr Odinga ayaa sheegay inuu qadariyay go'aanka maxkamada, laakiin uu eegayo si kale oo ammaan ah oo uu ku xaliyo muranka. Wuxuu ugu baaqay taageerayaashiisa inay iska ilaaliyaan dagaal.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.