Kuuriyada Waqooyi oo u hanjabtay USA

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Abriil, 2013, 03:20 GMT 06:20 SGA

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ay ag taagan yihiin saraakiishiisa militeriga

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ee dalka la siiyay wax ay ugu yeertay oggolaanshihii ugu dambeeyay ee ay ku qaadaan dukheyn militeri dalka Mareykanka iyaga oo isticmaalaya hubka nukliyeerka.

Waa middii ugu dambeysay hanjaabo xiriir ah oo ay soo saaraysay dowladda Kuuriyada Waqooyi kuwaasi oo kor u qaaday xiisadda.

Taliyaha ciidamada Pyongyang ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inay tallaabo aan naxariis lahayn kaga jawaabaan wax uu ku tilmaamay hanjabaada qar iska tuurka ah ee Washington.

Mar sii horreysay xarunta gaashaandhiga ee Mareykanka Pentagon ayaa ku dhawaaqday in ay u direyso gantaalalo casri ah oo difaac jasiiradda Pacific ee Guam taasi oo ah ka hortag.

Arbacadii dowladda Kuuriyada Waqooyi waxay xirtay aagga dhinaca dhaqaalaha ee labada Kuuriya u dhexeeya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.