Suuriya oo la sheegay in lix kun lagu dilay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 Abriil, 2013, 04:40 GMT 07:40 SGA

Dagaalka Suuriya waxa guud ahaan ku dhintay in ka badan 70 kun oo qof

Kooxaha mucaaradka dalka Suuriya u dhaqdhaqaaqa ayaa sheegaya in ugu yaraan lix kun oo qof ay ku dhinteen dalka Suuriya bishii hore ee Maarso.

Tiradan ayaa ah tiradiii ugu badneyd muddo bil ah tan iyo markii uu kacdoonka bilowday dalka Suuriya muddo hadda laga joogo laba sano ka hor.

Mucaaradku waxa ay sheegeen in dadka la dilay saddex meelood meel ay ahaayeen dad rayid ah.

Kooxda dowladda Suuriya ka soo horjeedda ee xuquuqda aadanaha Suuriya oo fadhigeedu yahay dalkan Britian ayaa waxa ay diiwaan gelisay xadgudubyo labada dhinacba ay geysteen.

Waxa ay aaminsan tahay in tirada dadka dhintay ay aad uga badan tahay intii ay awoodeen inay diiwaangeliyaan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in guud ahaan in ka badan 70 kun oo qof lagu dilay dalka Suuriya tan iyo markii ay bilwodeen kacdoonada looga soo horjeedo mucaaradka 2011.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.