Margaret Thatcher ayaa geeriyootay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 8 Abriil, 2013, 12:01 GMT 15:01 SGA

Margaret Thatcher waxay ahayd Raiisul Wasaare intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1990

Waxaa magaalada London looga dhawaaqay geerida Raiisul Wasaarihii hore ee Britain, Margaret Thatcher oo da'deedu ahayd 87 jir, kadib markii xididada maskaxda dhiigga ku shuba ay istaageen, sida uu sheegay Afhayeenkeeda.

Margaret Thatcher oo caalamka ka ahayd xubin muhiim ah muddo toban sano ka badan ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsaneyd.

Afhayeenkeeda Lord Bell waxa uu yiri: "waa murugo weyn in Mark iyo Carol Thatcher ay ku dhawaaqaan in hooyadood Baroness Thatcher ay si nabad ah u geeriyootay markii uu ku dhacay cudurka stroke saaka. Warbixin dheeraad ah ayaa goor dambe la soo saari doonaa."

Baroness Thatcher waxa ay ahayd Raiisul Wasaare ka tirsanaa xisbiga muxaafidka ee dalkan sanadihii u dhexeeyay 1979 ilaa 1990.

Waxa ay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee qabata jagadaasi Raiisul Wasaaraha UK.

Margaret Thatcher waxa ay isbeddel weyn ku sameysay siyaasadda dalka Britain markii ay awoodda qabsatay sanadkii 1979.

Waxa ay sameysay isbeddelo xagga siyaasadaha dhaqaalaha, oo ay ku jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xakameynta ururada shaqaalaha, taasi oo ka dhigtay qofka loogu jecel yahay marna qofka loogu neceb yahay siyaasiyiinta dalka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.