Shirka G8 oo looga hadlayo Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Abriil, 2013, 06:31 GMT 09:31 SGA

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK oo soo dhaweynaya dhiggiisa dalka Mareykanka

Wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka hore uga maray warshadaha ayaa maalintii labaad kulan uga socdaa magaalada London, oo arrimaha ay ka hadlayaan ay ku jirto xaaladda Soomaaliya.

Shirka ayaa waxa uu diiradda saari doonaa sidii loo dhiiri gelin lahaa in hey'adaha caalaiga ee xagga dhaqaalaha, sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (World Bank, African Development Bank, iyo International Monetary Fund) ay Sooaaliya ula macaamili lahaayeen.

Waxa uu salka u dhigi doonaa siyaasad heer sare oo oo xagga dhaqaalaha iyo siyaasadda ah, taasi oo la saan qaadeysa qorshooyinka shirka caalamiga ah Soomaaliya ee lagu qaban doono London bisha May kaasi oo ay wada shir guddoomin doonaan dowladda Soomaaliya iyo UK>

Shirka oo ay ka qeybgalayaan wasiiradda arrimaha dibedda ee dalalka Mareykanka, Ruushka, Japan, Canada, France, Germany, Italy iyo Britain oo martigelineysa isla markaana Madaxweynaha wareegga ee kooxda G8 ah ayaa waxaa kale oo looga hadlayaa xaaladda Kuuriyada Waqooyi oo wasiiradu ay ku boorin doonaan inay joojiso qorshaha ay damacsan tahay ee tijaabada gantaallada.

Qoddobada kale ee ugu waaweyn ee wasiiradu ay ka hadlayaan ayaa waxa ka mid ah, ka hortagga dhibaatada lagula kaco dumar ee kufsiga iyo faraxumeynta ee dalalka dagaalladu ka jiraan.

Weerarada dhinaca internetka sidii wax looga qaban lahaa oo caalamku uga yeelan lahaa dadaal looga hortagayo dhibaatada ay keeni karto.

Xiriirka dalalka kacdoonku ka dhacay ee Carabta iyo sidii loo taageeri lahaa.

Waxaa kale oo shirku uu dhiirigelin doonaa sidii dalka Burma loogu sameyn lahaa maalgashi.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.