Warbixin weerarka Muqdisho

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Abriil, 2013, 19:00 GMT 22:00 SGA

Media Player

In kabadan labaatan qof ayaa ku dhimatay laba weerar oo ka dhacay maxkamada gobolka Banaadir iyo jidka KM4.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Qaraxa maxkamada banaadir

Dhaawaca qaraxa maxkamada gobolka Banadir.

In kabadan labaatan qof ayaa ku dhimatay laba weerar oo ka dhacay maxkamada gobolka Banaadir iyo jidka KM4. Qaraxa maxkamada ayaa dhacay kadib markii niman hubaysan ay soo weerareen.

Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadani maanta si weyn looga dareemay wadooyinka magaalada. Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al shabab ayaa waxaa ay weerar iyo qaraxyaba ku qaadeen xarunta maxkmadda gobolka Banaadir oo dhimashada ugu badan ay ka dhacday.

Xaalad jahawareer leh ayaa ka jirtay maxkamadda iyo agagaarkeeda, waxaana dad badan ka baxsanayeen weerarka ay ka soo boodeen gidaarka maxkamadda halka kuwa kalana ay dhexda ka soo xirteen qolalka maxkmadda qaarkood.

wariyaha BBCda ee Muqdisho Macalimuu oo tagay goobta qaraxa hore uu ka dhacay ayaa warbixntan inooga soo diray.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.