Qaraxyo ka dhacay magaalada Boston

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Abriil, 2013, 03:30 GMT 06:30 SGA

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay qaraxyada Boston in ka badan 100 way ku dhaawacmeen

Labo qarax oo xoog badan oo ka dhacay halka uu ku dhammaado orodka dheer ee Marathon-ka ee magaalada Boston ayaa waxaa ku dhintay saddex qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100 qof.

Qaraxyadu waxay dhaceen ilbiriqsiyo gudahood, iyadoo boqollaal orodyahanno ah uu tartanku gebagebo u marayay, dad badanna ay u sacbinayeen.

Sawirro television ayaa muujiyay qas halkaas ka dhacay iyadoo dadku ay dhex cararayeen daruuro qiiq ah si ay dhaawaca ugu gargaaraan, iyadoo orodyahanno jahawareersan ay weli orodka ku jireen.

Dadkii daawanayay qaarkood oo dhaawac ah ayaa kuraasta dadka naafada ah lagula cararay iyadoo qaar badan oo ka mid ah uu dhiig qariyay.

Madaxweyne Barak Obama ayaa markiiba ummadda Maraykanka kala hadlay qaraxyada ka dhacay orodka marathon-ka ee magaalada Boston, waxaana uu sheegay in ay baarayaan waxa dhacay, ciddii ka dambeysayna ay heli doonaan oo ay caddaaladda hor keeni doonaan.

FBI ayaa la wareegtay hoggaanka baaritaanka qaraxyadan ka dhacay magaalada Boston.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.