QM oo cambaareysay weerarradii Muqdisho

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Abriil, 2013, 00:37 GMT 03:37 SGA

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii ka dhacay magaalada Muqdisho axaddii oo ay sheegeen inay ku dhinteen 34.

Hadala qoraal ah oo laga soo saaray weeraradii axaddii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa 15 xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay sheegeen inay diyaar u yihiin in talaabo laga qaado kuwa dhaqankoodu qatarta ku yahay nabadda, degenaanshaha iyo ammaanka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ay markale ku celiyeen taageerada xal u helidaa hannaanka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee Soomaaliya, oo ay ku jirto in mar dhaw la geeyo hawgal cusub oo qaas ah oo siyaasadeed oo ka socda Qaramada Midoobay.

Isla mar ahaantaa Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ficilada noocaasi ah aanay wax u dhimi doonin rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ah inay helaan nabad iyo ammaan ka dhaca dalkooda.

Ban waxa uu sheegay in Qaraada idoobay ay ka go'an tahay inay taageerto dowladda federalka ah ee Soomaaliya, hey'adaheeda iyo dadka Soomaaliyeed.

Maalintii axadda sagaal qof oo hubeysan ayaa xoog ku galay xarunta maxkamadda magaalada Muqdisho, halkaasi oo qaar ay isku qarxiyeen kuwii kalena ay rasaas oodda ka qaadeen oo ku dileen 29 qof, halka weerar kale oo bam isna shan qof oo kale ayaa lagu dilay.

Kooxda xiriirka la leh al-Qaacidda ee al-Shabaab ayaa sheegata masuuliyadda weerarka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.