Boston: Ninkii labaad oo la qabtay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 20 Abriil, 2013, 09:54 GMT 12:54 SGA
Boliiska Boston

Boliiska Boston ayaa raadinayay saacado wiilka lagu eedeynayo qaraxa Boston.

Mid ka mid ah raadintii ugu waynayd taariikhda boliiska Maraykanka ayaa soo dhamaatay, kadib markii la qabtay wiilkii loo haystay weerarkii qaraxa ee ka dhacay orodadii tartanka Marathonka ee Boston.

Boliiska ayaa helay Dzhokhar Tsarnaev, isagoo ku dhuuntay doon taala guri, kadib markii ninkii guriga lahaa uu arkay dhiig kadibna uu furay doontii uu ku dhexjiray wiilka.

Wiilka oo sagaal iyo toban jir ah oo asalkiisii hore ka imaaday gobolka Chechen, ayaa boliiska qabtay xabado la iswaydaarsaday kadib.

Waxaa laga daawaynayaa dhaawac soo gaaray. Dariska ayaa ku farxay oo sacbiyay markii boliiska ay kaxeeyeen wiilka.

Maalin ka hor ayaa Tamerlan Tsarnaev oo la dhashay Dzhokhar Tsarnaev, oo isagana lagu eedaynayo qaraxa ayaa ku dhintay xabado iyo qaraxmarkii boliiska ay isku dayeen inay qabtaan.

Howsha ayaa si dhaqso ah isku badashay kadib markii FBI ay shaacisay masawirada wiilasha walaalaha ee loo haysto qaraxa Boston.

Mid ka mid ah labada wiill ayaa lacag ka xaday tukaan, kadibna boliiskii loo diray in uu baaro ayaa la dilay, labada wiil ayaa cararay iyagoo qaatay gaari ay xadeen.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.