Dagaal culus ayaa ka dhacay Nigeria

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 22 Abriil, 2013, 09:41 GMT 12:41 SGA

Boko Xaaraam waxa ay dagaal kula jirtaa dowladda Nigeria

Dagaal u dhaxeeyay ciidanka militeriga iyo kooxaha Islaamiyiinta oo ka dhacay waqooyiga dalka Nigeria ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen ugu yaraan 185 iyo inay ku burbureen laba kun oo guri.

Militeriga Nigeria ayaa waxa ay dood ka keeneen tirada dadkaasi la sheegay in lagu dilay weerarka.

Dowladda iyo saraakiisha militeriga ayaa sheegay in la isticmaalay qoryaha RPG iyo hub kale oo culus, dagaalka oo ka dhacay magaalo fog oo nabad ahaan jirtay oo la yiraahdo Baga, taasi oo u dhaw soohdinta dalka Chad.

Dagaalka ayaa socday muddo saacado ah habeenkii Jimcaha markii militerigu isku dayeen, inay halkaasi ka saaraan kooxda Boko Xaaraam.

Dadka magaalada ayaa u qaxay dhulka miyiga, iyaga oo soo laabtay galabtii Axaddii oo ay arkeen in badana oo magaalada ah oo la baabi'iyay iyo meydadka dad iyo xayawaan daadsan jidadka magaalada.

Wariye ku sugan deegaanka ayaa sheegay in tani ay tahay in uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeyay kooxaha kacdoonka iyo ciidanka ammaanka.

Waxa uu sheegay in kooxaha mintidka ah ay heysteen hub ka culus midkii ay weerarrada uga geysan jireen gobolka, waxaana dad badbaaday ay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah ay ku hadlayeen afaf ajnabi.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.