Uhuru oo magacaabay wasiirro

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Abriil, 2013, 17:38 GMT 20:38 SGA

Uhuru Kenyatta waa Madaxweynaha cusub ee Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku dhawaaqay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiiraddiisa cusub.

Madaxweyne Uhuru ayaa ku dhawaaqay magacyada wasiirada Arrimaha Dibedda, Caafimaadka, Warfaafinta iyo Maaliyadda.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya ayaa markii ugu horreysay loo magacaabay qof haweeney ah, oo asalkeedu Soomaali yahay, Aamina Maxamed.

Aamina ayaa waxa ay ahayd qof horey xoghaye joogta ah uga noqotay wasaaradda cadalaadda Kenya, xilligii Madaxweyne Kibaki, laakiin waxa ay dhawaan ahayd ku xigeenka Agaasimaha Guud ee hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca degaanka UNEP.

Aamina waxa ay dhawaan u tartantay inay noqoto Agaasimaha Guud ee Hey'adda ganacsiga Adduunka ee WTO.

Wasiirka Maaliyadda waxaa loo magacaabay Henry Rotich, Wasaaradda Caafimaadka waxaa loo magacaabay James Macharia iyo Wasiirka Warfaafinta oo loo magacaabay Fred Matiangi.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.