Barnaamij tallaal baaxad leh oo ka bilawday Somalia

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Abriil, 2013, 16:40 GMT 19:40 SGA
Somalia vaccination

WHO iyo UNICEF oo carruurta tallaalaya

Tallaalka waxaa lagu sameynayaa shan cudur sida oofwareenka, cagaarshowga iyo meningitis oo maskaxda ku dhaca, waxaana fulinaya hay'adaha Qaramada Midoobay ee caafimaadka adduunka, WHO iyo UNICEF oo qaabilsan xannaanada carruurta.

Soomaaliya waa dalka ugu hooseeya heerarka tallaalka ee adduunka oo dhan, waana dalka ugu badan carruurta geeriyoota iyadoo aanay da'doodu gaarin shan sano.

khubaradu waxay leedahay shantii carruur ahba mid ayaa dhinta inta uusan shan jirsan, iyadoo nidaamkii caafimaadku uu burbursanaa dhowr iyo labaatankii sano ee dagaallada sokeeye ay dalka ka socdeen.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.