Sarkaal lagu dilay Muqdisho

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 Abriil, 2013, 11:03 GMT 14:03 SGA

Waa sarkaalkii ugu sarreeyay ee dowladda ah ee la dilo sanadkan 2013

Saraakiil ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in ku xigeenka garyaqaanka guud ee dalka lagu dilay magaalada Muqdisho.

Axmed Sheekh Nuur Maalin ayaa waxa toogtay saddex nin oo wejiyada soo qarsaday xilli uu ka soo baxay masaajid ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho.

Waa sarkaalkii ugu sareeyay ee dowladda ah ee la dilo tan iyo markii dowladda cusub ay xafiiska qabatay sanadkii hore.

Bishan horraanteedi ayaa waxa ugu yaraan 28 qof lagu dilay weerar kooxda Islaamiyiinta ee al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta maxkamadda magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, William Hague, ayaa shalay tagay magaalada Muqdisho si uu u furo safaaradda Britain ee Muqdisho tan iyo sanadkii 1991.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.