Justine Greening oo la kulantay Soomaalida

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 Abriil, 2013, 19:59 GMT 22:59 SGA

Justine Greening, Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee UK oo u warramaysa Farxaan Maxamed Jimcaale

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ee Britain, Justine Greening ayaa sheegtay in taageerada bulshada British-ka ee Soomaalida ay muhiim u tahay in Soomaaliya ay ka soo kabato labaatan sano oo dagaal ah.

Justine Greening oo ka hadlay kulan ay maanta magaalada London kula yeelatay bulshada Soomaalida qaar ka mid ah, oo ay ka dhageysanaysay fikradahooda ku aadan Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegtay in Soomaalida Britain ay xiriir wanaagsan ay la leeyihiin qoysaskooda iyo saaxiibadooda jooga Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in dadaalka horumarinta ee ay waddo dowladda Britain ay ku maalgelinayso nada iyo fursado si ay Soomaalidu dib ugu dhisaan dalkooda.

Waxa ay sheegtay in ay doonayaan inay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.

Britain waxa ay balan-qaadday in ay ku bixiso £80 sanadkan iyo kan xiga si wax looga qabto waxyaabaha sababay gaajada iyo dagaalka Soomaaliya.

Raiisul Wasaaraha Britain, David Cameron iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si wada jir ah u shir guddoomin doona shir caalami ah oo ka dhacaya London, kaasi oo ah sidii taageero caalami ah loo siin lahaa Soomaaliya.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.