Bangladesh: Gurmadka oo la dhamaynayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Abriil, 2013, 10:28 GMT 13:28 SGA
Burburka dhismaha

Burburka dhismaha magaaalo madaxda Dhaka ayaa wali laga soo bixinayaa dad.

Waxaa la xiray Milkiilihii lahaa dhismaha dumay Mohammed Sohel Rana, kadib markii uu dhuuntay tan iyo markii uu dhismaha dumay Arbacadii.

Ciidanka Bangladesh ayaa diyaarinaya inay isticmaalaan mashiino culus, si ay u qaadaan burburka dhismihii dumay Arbacadii ayna ku dhinteen boqolaal qof.

Shaqaalaha gargaarka ayaa qodaya burburka si ay u gaaraan dadka nool ee wali ku dhexjira dhismaha.

Dadka qaar ayaa ku jiraday urka ka soo baxaya maydka ku qurmaya burburka dhexdiisa.

Ugu yaraan laba kun iyo afar boqol oo qof ayaa la badbaadiyay, tan iyo markii uu dhismaha siddeeda dabaq uu soo dumay Arbacadii.

In ka badan saddex boqol iyo lixdan qof ayaa la ogyahay inay dhinteen ilaa hadda.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.