Warfaafino shaqada laga joojiyay Ciraaq

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Abriil, 2013, 13:21 GMT 16:21 SGA
Amaanka ciraaq

Ammaanka Ciraaq ayaa aad u xumaanaya iyadoo ay sii socdaan qaraxyada.

Dowladda Ciraaq ayaa joojisay ruqsadii shaqada ee toban telefishin, iyadoo ku eedeysay inay ku eedeysay inay dhiirigalinayaan dagaal ku salaysan mathab.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in telefishanada ay shaqada joojinayaan.

Telefishanada Shaqada laga joojiyay waxaa ka mid ah Al- Jazeera oo beenisay eedaynta dowladda.

Isagoo cambaaraynaya dagaal dhawaan ka bilaabmay Ciraaq oo ay ugu yaraan laba boqol oo qof ay ku dhinteen, Ra'iisalwasaaraha Ciraaq Nouri Maliki ayaa ka digay in dagaalo ku salaysan mathab ay qatar galinayaan waddanka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.