UK iyo UAE oo deeq siinaya Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 1 Mey, 2013, 00:34 GMT 03:34 SGA

Goobaha kufsiga ugu badan uu ka dhaco waa xeryaha dadka barakacay

Dowladda UK iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay lacag dhan £2 milyan oo Soomaaliya la siinayo si wax looga qabto dhibaatada kufsiga ee goobaha colaadda Soomaaliya.

Deeqdan ayaa waxa si wadajir ah ugu dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain William Hague iyo Wasiirka Arrimah Dibedda ee Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdallah bin Zayed al-Nahyan.

Lacagtan ayaa waxa lagu heshiiyay booqashadii ugu horreysay ee Madaxweynaha Imaaraadka Carabta uu ku yimaado UK, Sheekh Khalifa bin Zayed al-Nahyan, taasi oo ku soo beegan tay ka hor shirka magaalada London ee caalamiga ah ee Soomaaliya oo la qaban doono 7 May, kaasi oo looga doodi doono dhibaatada haweenka kufsiga lagula kaco, waxaana sidii looga hortagi lahaa ay noqoneysaa mid ka mid ah ahmiyadaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda UK.

Hadal qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska arrimaha dibedda ee Britain ayaa lagu sheegay in dowladda federalka ee Soomaaliya ay si cad u sheegtay inay ka go'an tahay inay horumariso nolosha haweenka Soomaaliya, iyada oo ka hadleysa dhibaatada kufsiga iyo sidii loola dagaallami lahaa isla markaana caddaalad loo horkeeni lahaa ku dambiyadaasi xun geysta.

Lacagta labada milyan ayaa waxaa hal milyan bixinaya UK, halka tan kale ay bixineyso UAE waxaana ay ka caawin doontaa dowladda federalka, arrimo ay ka mid yihiin tababaro, awoodda oo la dhiso, iyo talooyin ka soo bixiyaan koox khubaro ah oo Qaramada Midoobay ka soocota oo booqaneysa dalka sanadkan dhammaadkiisa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.