Macluushii Soomaaliya waxay dishay 260 kun

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Mey, 2013, 05:04 GMT 08:04 SGA

Kala bar dadka dhintay waxay ahaayeen carruur ka yar shan sano

In ku dhaw 260,000 oo qof ayaa ku dhintay macluushii Soomaaliya ka dhacday 2010 ilaa 2012, sida ay sheegtay daraasad cusub.

Kala bar dadkaasi dhintay waxay ahaayeen carruur da'doodu ka yar tahay shan sano, waxaa sidaasi lagu sheegay warbixin Qaramada Midoobay iyo Hey'ad Mareykan ah oo ka digta gaajada ay si wadajir ah u sameeyeen.

Barnaamijka cuntada ee Qaramada Midoobay iyo Hey'adda beeraha ayaa sheegay in gargaarka bini'aadanimo loo baahnaa in si deg deg ah loo qeybiyo.

Dhibaatada ayaa waxa sababay abaar xun oo ay uga sii dareen dagaalka u dhaxeeyey kooxaha is haya ee ku dagaallamaya awoodda.

Tirada dhimashada ayaa waxa ay ka badneyd tii 220,000 ee qof ee lagu qiyaasay inay ku dhinteen macluushii dhacday 1992.

Warbixintu waxay sheegtay in waxa ka dhacay Soomaaliya ay ahayd gaajadii ugu xumeyd 25 sano ee u dambeeyay.

Qaramada Midooay ayaa markii hore ku dhawaaqay gaajada Soomaaliya bushii July 2011, gobollada koonfruta ee Bakool iyo Shabeelaha Hoose. Waxaa maamulaya kooxda Islaamiga ah ee al Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacidda.

Al-Shabab ayaa beenisay in wax gaajo ah ay jirtay, waxaana ay mamnuucday dhawr hey'adaha samafalka ee reer Galbeedka inay ka hawlgalaan goobaha ay gacanta ku haysay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.