US oo ka fakiraya hubeynta mucaaradka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Mey, 2013, 03:32 GMT 06:32 SGA

Dad ku banaanbaxaya caasimadda Dimishiq

Markii ugu horreysay ayaa xubin sare oo ka tirsan maamulka Obama uu si cad u qirtay in Mareykanku ka fakirayo inay hub siiyaan mucaaradka Suuriya.

Xoghayaha Gaashaandhigga dalka Mareykanka, Chuck Hagel, ayaa sheegay in maamulka uu qiimeynayo qaabab kala duwan oo ay ku jirto in la hubeeyo dagaalyahanniinta mucaaradka Suuriya.

Isaga oo mar danbe hadlayay, ayaa Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in Mareykanku aanu ku deg degi doonin go'aan ee uu doonayo inuu qaato tallaabo gacan siin eysao xaaladda dalka Suuriya, halkii ay ka sii dhigi lahaayeen mid halis ah oo adag.

Weriyaha BBC ee ka soo warranta xafiiska arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegeysa in saraakiisha Mareykanku aanay dooneyn faragelin militeri oo toos ah inay ku sameeyaan Suuriya, waxaana ay dareensan yihiin in inay hubeeyaan mucaaradka in hadda ay tahay waxa ugu liita ee ay sameyn karaan.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.