Qarax ka dhacay Muqdisho

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Mey, 2013, 09:44 GMT 12:44 SGA
Qarax

Qaraxa dhacay maanta ayaa la isticmaalay gaari.

Ugu yaraan toban qof ayaa la aaminsan yahay inay dhinteen, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay jidka KM4 ee Magaalada Muqdisho. Taliyaha boliiska ee qaybta bartamaha gobolka Banaadir General Garaad Nuur ayaa xaqiijiyay dhimashada.

Waxaa qaraxa lala beegsaday gaariga Wasiirka Arrimaha Gudaha, laakiin gaariga waxaa saarnaa wafdi carab ah oo ka yimid dalka Qadar wayna ka badbaadeen qaraxa.

Wafdiga ayaa galabta ka dhoofay Muqdisho.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.