Shirka London oo furmay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Mey, 2013, 09:22 GMT 12:22 SGA

Shirka London ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah uga furmay xarunta Lancaster House ee magaalada London.

Waxaa ku sugan shirka in ka badan madaxda konton dal oo ay ku jiraan dalalka deriska sida madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta , ra'iisul wasaaraha Ethiopia HaileMariam Desalegn, madaxwaynaha Uganda, Yuweri Museveni iyo madaxwaynaha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle. Dhamaan dalalkan ciidamo ayaa ka jooga dalka Soomaaliya.

Ergooyinka in ka badan konton dal iyo ururo caalami ah ayaa ku sugan xarunta Lancaster House ee magaalada London, iyagoo ka qaybgalaya shir wayn oo ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Waa shir looga hadlayo taageerada caalamiga ee dalka Soomaaliya iyo sidii dunida kaalin uga qaadan lahayd in Soomaaliya ay cagaheed dib isugu taagto.

Kulanka ayaa si wadajir ah waxaa u martigalinaya ra'iisul wasaaraha Britain David Cameron iyo madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr Cameron, ayaa sheegay in uu rajaynayo in shirka uu isku raaci doono qorsha waqti dheer oo dhinaca amniga ah ee dalka Soomaaliya iyo sidoo kale daah-furnaan iyo xisaabtan.

Amniga ayaa dalka ka soo hagaagayay muddooyinkii dambe balse goobo badan oo dalka ah ayaa waxaa ka taliya maleeshiyada hubaysan ee Islaamiga ah ee al-Shabab, iyadoo goobaha ay dowladda Soomaaliya sida buuxda uga taliso ay inta badan ku kooban tahay caasimadda, Muqdisho.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.