Dacwada Mubarak oo bilaabatay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Mey, 2013, 10:34 GMT 13:34 SGA
Mubarak

Mubaarak iyo labadiisa wiil oo jooga maxkamada.

Dacwad madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubarak ayaa ka bilaabmatay Qaahira.

Waxaa lagu eedeynayaa inuu wax ka ogaa dilkii boqolaal qof oo mudaaharaadayay markii uu bilaabmay kacdoonka Masar laba sano ka hor.

Mubarak oo ah siddeetan iyo shan jir, ayaa lagu waday sariirta bukaanka wuxuuna u muuqday walwal la'aan.

Waxaa dacwada lagu qaadayaa oo kale wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Xabib al Cadli, iyo lix kale oo ahaa madaxda ammaanka.

Mubarak ayaa sidoo kale loo haystaa musuqmaasuq isaga iyo labadiisa wiil.

Mubarak ayaa racfaan ka qaatay xukun xabsi noloshiisa inta ka hartay ee ay go'aamisay maxkamada.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.