Doorasho ka socota Pakistan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Mey, 2013, 09:44 GMT 12:44 SGA
Saldhigyada codbixinta

Saldhigyada codbixinta

Codayntii doorashada guud ee Pakistan ayaa socota kadib olole dad badan ay ku dhinteen qaraxyo awgeed.

Qaraxyada ayaa sii socda maanta oo ay doorshada bilaabatay. Boliiska Karachi ayaa sheegay in kow iyo toban qof ay dhinteen, afartan kalena ay dhaawacmeen qarax ka dhacay xafiiska xisbiga Awami National Party.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay isxabadayn ka dhacday saldhig codbixin ee u dhow xuduuda Afganistan.

Dad badan ayaa ku dhaawacmay weerar kale oo ka dhacay Peshawar. Wariyaha BBC ayaa sheegay in dad badan ay codkooda dhiibanayaan inkastoo ay jirto qatar ka imaanaysa Taliban.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.