Nawaz Sharif oo sheegtay guul

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Mey, 2013, 09:48 GMT 12:48 SGA
Tirinta codadka doorashada

Tirinta codadka doorashada

Ra'iisalwasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif, ayaa sheegtay guul doorasho u eg inuu waddanka xukumi doono markii saddexaad. Wali sooma bixin natiijada rasmiga ah.

Natiijo aan rasmi ahayn ayaa sheegaysa in xisbigiisa Muslim League uu noqon doono xisbiga ugu wayn doorashadii shalay, laakiin wuxuu u baahan yahay inuu sameeyo dowlad isbahaysi.

MR Sharif, ayaa balanqaaday isbadal wuxuuna ku baaqay in xisbiyada kale ay ku soo biiraan xalinta waxyaabaha adag ee horyaala Pakistaan.

Xisbiga uu hogaaminayo Imran Khan oo ahaa nin ciyaari jiray Cricketka, ayaa noqonaya xisbiga labaad ee ugu wayn, halka ay u egtahay xisbiga talada haya in laga guulaystay.

Waxaa u soo baxay dad aad u badan codbixinta oo ahayd lixdan boqolkiiba iyadoo ay socdeen weeraro.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.