Suuriya oo beenisay weerarkii Reyhanli

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Mey, 2013, 10:29 GMT 13:29 SGA
Ugu yaraan afartan iyo saddex ayaa ku dhintay qaraxa

Ugu yaraan afartan iyo saddex qof ayaa ku dhintay qaraxyada in kaban boqolna waa ay ku dhaawacantay.

Suuriya ayaa beenisay inay ka danbaysay weerar qaraxyo oo lagu qaaday magaalada Reyhanli ee ku taal xuduuda Turkiga uu la leeyahay Suuriya.

Wasiirka warfaafinta Omran al Zoubi, ayaa ka sheegay shir jaraa'id magaalada Dimishiq in Turkiga uu si aan toos ahayn ugu lug leeyahay weerarka.

Boqolaal qof ayaa isugu yimid tacsi loo samaynayay dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Reyhanli oo ay joogaan qaxooti badan oo ka yimid Suuriya.

Wasiirka warfaafinta ee Turkiga Axmed Davutoglu, ayaa sheegay in qaraxyada aysan sababin qaxooti oo ay ku tuhunsan yihiin dowlada Suuriya.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa xiray sagaal qof qaraxyada kadib.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.