John Kerry oo u digay Bashar al-Asad

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Mey, 2013, 14:24 GMT 17:24 SGA

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka John Kerry, ayaa uga digay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Asad in ay noqon doonto xisaab qaldan haddii dowladdiisa aanay kasoo qeybgalin wada xaajoodka lagu dhameynayo khilaafka dalka Suuriya.

Mr Kerry ayaa ka jawaabayay soo jeedin hore oo ka timid saraakiil dowladda Suuriya oo ahaa inay suurtagal tahay inay diidaan inay ka soo qeybgalaan shirkaasi nabadda.

Shalay ayaa Madaxweynaha Mareykanka iyo Raiisul Wasaaraha Britain ay ku heshiiyeen in cadaadis la saaro dowladda Suuriya.

Dhinaca kale, si weyn ayaa loo cambaareeyay video internetka la soo geliyay dalka Suuriya.

Video ayaa waxa uu muujinayaa nin lagu sheegay taliye mucaaradka oo inta uu soo gooyo kadibna qaniinaya wadnaha iyo beerka askari dhintay dhintay oo ka tirsan ciidanka dowladda Suuriya.

Isbahaysiga mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in qofka waxaasi sameeyay maxkamad la soo taagi doono.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.