Dhismaha maamulka Jubaland

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Mey, 2013, 19:14 GMT 22:14 SGA

Waxaa jira warar iska hor imanaya oo ku saabsan doorasho madaxtinimo oo la sheegay inay maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, iyadoo sida muuqata labo kooxood oo loollamaya ay mid waliba sheeganayso inay madaxweyne doorteen.

Shirka muddada ka socday Kismaayo, ayaa ergooyinkii ka qaybgalay la sheegay in ay madaxwayne u doorteen Sheekh Axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe), inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in ergooyinkii matalayay qabaa'ilka qaar ay horay u qaadaceen shirka.

Axmed Madoobe oo loo doortay Madaxwaynaha Jubaland

Axmed Madoobe ayaa loogu doortay madaxwaynaha Jubaland shirkii muddooyinkan ka socday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Dhinaca kale, Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ayaa isna sheegay in shir dhacay loogu doortay madaxwayne.

Haddaba, Cabdiraxmaan Koronto, ayaa la xiriiray Axmed Madoobe oo loo doortay madaxwaynaha Jubaland oo waydiiyay marka hore Inta cod ee lagu doortay?

Dhinaca kale Barre Aadan Shire, (barre Hiiraale), ayaa sheegay in isagana lagu doortay shir ka dhacay isla magaalada Kismaayo.

Cabdiraxmaan Koronto ayaa waydiiyay waxa uu ahaa shirkaas:

Barre Hiiraale isna wuxuu sheegay in loo doortay madaxwaynaha Jubaland

Dhinaca kale Barre Aadan Shire, (barre Hiiraale), ayaa sheegay in isagana lagu doortay shir ka dhacay isla magaalada Kismaayo.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa hadda wax war ah kama soo saarin, iyadoo aan isku daynay in aan ka helno jawaab balse nooma suurtagalin.

Hase yeeshee, Maamulka Puntland, ayaa u hambalyeeyay Ahmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe) doorashada loo doortay madaxwaynaha Jubaland.

Hadaba, waxaanu Maxamed Maxamuud Dhoorre, ayaa la xiriirnay Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, oo aan waydiinay sida uu u arko doorashada ka dhacday Jubaland?

Puntland oo taageertay doorashada Axmed Madoobe

Maamulka Puntland, ayaa u hambalyeeyay Ahmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe) doorashada loo doortay madaxwaynaha Jubaland.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.