Militeriga Nigeria oo guulo sheegtay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Mey, 2013, 18:41 GMT 21:41 SGA

Qaar ka mid ah ciidanka Nigeria ee dagaalka kula jira Boko Xaaraam

Militeriga dalka Nigeria ayaa sheegay inay horumar ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta oo ay burburiyeen dhawr saldhig oo ay lahaayeen Boko Xaaraam.

Afhayeen u hadlay ciidanka militeriga ayaa sheegay in la burburiyay laba xero ciidan iyo in la dilay soddon kooxaha kacdoonka weerarro ay qaadeen dayaarado iyo helikobtaro degaanka Sambisa ee gobolka Borno.

Afhayeenka ayaa sheegay in in dayaarad ciidanka cirka ay lahaayeen uu ku dhacay gantaal lidka dayaaradaha, laakiin ay dib ugu laabatay saldhigeedi.

Wararka looma xaqiijin si madax banaan. Waxaa jiray sheegasho taas la mid ah markii ciidanku weerareen kooxahan isla degaanka bishii Janaayo.

Dadka ayaa lagu soo warramay inay bilaabeen inay ka qaxaan gobollada waqooyiga bari ee dalka Borno, Adamawa iyo Yobe.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.