Machadka Sheekh ee Caafimaad Xoolaha oo Lagu Wareejinayo IGADD

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Mey, 2013, 17:34 GMT 20:34 SGA
sheekh secondry school

Ururka Midowga Afrika (EU) ayaa bilaabay wejigii u horreeyey ee lagu wareejinayo urur-goboleed IGADD hawlaha Machadka Sheekh ee Farsamda Xannaada iyo Caafimaadka Xoolaha.

Machadkaasi oo ku takhasussa caafimaadka xoolaha iyo daryeelkooda, waxa magaalada Sheekh ee Somaliland ka bilaabay Ururka Midowga Afrika toban sanadood ka hor, hasse ahaatee haatan waxa loo qorshaynayaa in uu noqdo machad xarun u ah dalalka gobolka oo dhan.


Iyadoo haatan loo qoondeeyey qaybtii saddexaad ee dhaqaalaha taageerada ah ee la siiyo machadkaasi oo ilaa 3 miyan oo lacagta Euro ah, Ururka Midowga Yurub waxa uu xaqiijin doonaa in horumarinta waxbarashada machadkaasi iyo wareejintiisa maamulkuba ay u dhacdo si habsami ah.

ka mid ah ujeeddooyinka loo socdo in kor loo qaado barnaamijka waxbarasho ee machadka oo la gaadhsiiyo ilaa heer jaamicadeed, isla markaasina lagu xidho machadyada kale ee ku yaalla dalalka kale gobolka.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.