Nin lagu dilay xaafadda Woolich ee London

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 22 Mey, 2013, 19:08 GMT 22:08 SGA

Nin ayaa lagu dilay faas, laba kalena waxaa lagu toogtay xaafadda Woolwich ee Koofurta Barri ee London. Dowladda Britain ayaa lagu soo waramay in ay weerarkaa u tixgalineyso weerar agagixiso.

Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron ayaa weerarkaa ku sheegay in uu yahay dab haantii mid naxdin leh.

Filim ayaa la helay muujinaya in mid ka mid ah ragga weeraka qaaday oo midi sita oo ku qeylinaya erayo siyaasdeed.

Xildhibaan maxali ah oo la yiraahdo, Nick Raysjfor ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa askari ka tirsan xeradda Woolwich, hase ahaatee warkan wali lama xaqiijin.

Ra'iisal wasaaraha Britian ayaa sheegay in uu dalka dib ugu soo noqonayo si uu u gudoomiyo shir deg deg ah oo laga yeelanayo arrimaha amaanka.

Ra'iisal wasaaraha Britain ayaa safar ku joogay dalka Faransiiska, waxuuna sheegay insaga oo shir jaraa'iil la qabtay madaxweynaha Faransiiska, in ay tahay in cid walba ay canbaareyso weerarkaa.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.