Haweeney la guddoonsiiyay billad caalami ah

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Mey, 2013, 08:22 GMT 11:22 SGA
Belgium launch

kulan ka dhacay Belgium

Haweeneyda Itoobiyaanka ah ee lagu magacaabo Bogaletch Gebre oo u dhaqdhaqaaqda kahortagga gudniinka gabdhaha gaar ahaan midka fircooniga ah ayaa waxay ku guulaysatay abaalmarin caalami ah oo lagu guddoonsiiyay dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka gudniinka dheddigga ee loo soo gaabiyo(FGM).


Ms Gebre waxaa la guddoonsiiyay billadda loo yaqaan King Baudouin oo lagu siiyay dalka Belgium inay ka hortagtay mowduucyo aan dhaqan ahaan laga hadlin, ayay sheegeen guddiga xulitaanka cidda abaalmarintaas la guddoonsiinayo.


haweeneydani waxay gacan ka geysatay in kiisaska gudniinka oo ahaa 100% gabdhaha dhasha ay hoos ugu dhacaan wax ka yar 3% qaybo ka mid ah waddanka Itoobiya, ayay guddigu sheegeen.


Gudniinka hablaha waxaa inta badan ku dhaqma bulshooyinka waddammada Afrika iyo bariga dhexe, waana dhaqan soo jireen ah oo lagu ilaaliyo bikranimada gabdhaha si ay u noqdaan kuwo la guursan karo.

waxaa jira haween iyo hablo gaaraya 140 milyan oo la guday adduunka, waxaana dhibaatooyinka ay mutaan ka mid ah dhiigbax, kaadida oo ay ku dhibtoodaan, caabuq, ma dhalaysnimo iyo inay isku-dhintaan marka ay dhalayaan.

Hawsha gudniinka waxaa qabta dad dhaqanka yaqaan oo doorar kale oo muhiim ahna ku leh bulshada dhexdeeda.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.