Madaxda urur-goboleedka IGAD oo ka shiraya Kismaayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Mey, 2013, 11:40 GMT 14:40 SGA
AU summit

Shir-madaxeedka Midowga Afrika

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka socda shir ay isugu yimaadeen madaxda urur-gobolledka IGAD, oo looga hadlayo xaaladda Kismaayo, kaddib markii dhulkaasi looga dhawaaqay laba madaxweyne.


Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socday IGAD ayaa toddobaad kahor gaaray magaalada Kismaayo, waxayna halkaasi kula kulmeen dhinacyada isku haya hoggaaminta Kismaayo iyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.


Shir bilo ka socday magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in lagu doortay Axmed Sheikh Maxamad Islan oo ku magac dheer Axmed Madoobe, iyadoo Aden Barre Shire (Hiiraale) uu isaguna sheegay in loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland.


Guddiga xaqiiqo raadinta ee ka soo laabtay Kismaayo ayaa warbixintooda u gudbinaya madaxda urur-goboledka IGAD.


Safiirka Djibouti u fadhiya Midowga Afrika, Maxamad Idris Faarax, ayaa sheegay in shirarka ay socon doonaan muddo, oo iyaguna ay taageereen mowqifka dowladda Soomaaliya ee la xiriira maamul u samaynta gobollada dalka.

shirka IGAD ee Soomaaliya waxaa uu barbar socdaa shir-madaxeedka Midowga Afrika oo berrito magaalada Addis Ababa loogu dabbaaldegayo 50 sano oo ka soo wareegtay markii ururkaas lagu aasaasay caasimadda Itoobiya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.